Laba Shirkadood oo ka socda Saudi Arbia & Qatar ayaa ku dhaw in ay Liverpool iibsadaan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya bariga dhexe.

Wargayska ka soo baxa dalka Jordan ee Albawaba ayaa sheegaysa in ay Laba shirkadood oo ka socda  Saudi Arbia & Qatar ay ku midoobayaan iibsiga Liverpool.

Milkiilayaasha Liverpool ee haatan ayaa suuqa dhigay kooxda kadib markii ay awood u waayeen in ay la tartamaan kooxaha PSG iyo Man City oo ay leeyihiin maal-qabeeno carab ah.

Albawaba ayaa sheegaya in ay Shirkadaha Saudi Arbia & Qatar ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacag dhan 4 bilyan oo euro si ay ula wareegaan kooxda.

shiradaha doonaya Liverpool ayaa wadahadalo la bilaabay Milkiilayaasha Liverpool si ay u dhamaystiraan heshiiska



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here