Saxiixii ugu dambeeyay ee Mikel Arteta Gabriel ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay saaxiibkiisa cusub ee Arsenal David Luiz isaga oo sheegay in ay riyo Run noqotay u tahay in uu ka garab ciyaaro xiddiga ay isku dalka Yihiin.

Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay la soo wareegtay daafaca Lille Gabriel maalintii talaadada, iyadoo 22 jirkaan uu dhameystiray heshiis 27 milyan ah oo uu ugu soo wareegay Emirates isla markaasna qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah.

Gunners ayaa ku garaacday saxiixa daafaca Kooxaha Manchester United iyo Napoli iyaga oo la soo saxiixday daafaca oo wada ciyaaray kulamadii champions League Lille ee xilli ciyaareedkii hore.

Gabriel ayaa noqday saxiixii labaad ee Arteta xagaagan kadib imaatinka xiddiga kale ee reer Brazil ee Willian kaas oo si xor ah uga yimid kooxda chelsea.

Hadda waxaa sii kordhaya xiddigaha reer Brazil ee Arsenal ku sugan laakiin Gabriel ayaa sheegay in uu kaliya hal xiddig la dhacsanaa xirfadiisa ciyaareed.

“Xaqiiqdii David Luiz waa tusaale, waa laacib aan aad ula dhacsanahay”ayuu Gabriel ayaa u sheegay Arsenal Digital.

“Waxaan marwalba taageere weyn u ahaa isaga iyo wax kasta oo uu ku guuleystay”.

“Waxa aan daawanayay tan ilaa markii aan da’yarka ahaa, xitaa waxa aan ciyaar gacmeed ku ciyaaray magaciisa, waa Riyo ii rumawday in aan hakan la joogo waxana aan rajayaa in aan iska garab ciyaarno dhawaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here