Shaki La’aan waa mid ka farxinaysa taageerayaasha Kooxda Man United marka ay maqlaan in marka laga hadlo goolasha in uu saxiixooda cusub ee Edinson Cavani kaliya ka dambeeyo xiddiigaha ugu fiican adduunka Sanadihii ugu dambeeyay ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xog cusub oo la helay ayaa sheegaysa in Xiddiga Edinson Cavani yahay weeraryahan halis ah marka laga hadlayo gool dhalinta isaga oo kaliya ka dambeeya xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo tan ilaa markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay tartamada yurub.

5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub tan ilaa bishii Marcho 2007 weeraryahanka cusub ee Man United ayaa dhaliyay 250 isaga oo ah xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 416 gool halka uu xiddiga kooxda Barcelona ee ee Lionel Messi dhaliyay 432 gool.

Goolasha Edinson Cavani ee 250 gool ah ayaa ka yimid 413 kulan oo uu ciyaaray halka ay Ronaldo iyo Messi goolashooda ka dhaliyeen 433 kulan iyo 450 kulan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here