Tababare Ronald Koeman ayaa hogaamiyay tababarkii sabtida waxana tababarka markii ugu horaysay ka qayb qaatay saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Sergino Dest kaas oo markii ugu horaysay kooxda tababar la qaatay kadib markii uu khamiistii ku soo biiray.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Dest ayaa markii hore qaatay tababar ka kali ah maadama uu sugayay natiijada xanuunka Korona kaas oo laga baadhay laakiin waxa uu haatan kooxda la qaatay tababar buuxa.

Dhanka kale tababare Ronaldo Koeman ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga reer America si toos ah ugua soo muuqan doonin shaxda kooxda 1-aad.

“Waxa aan wali isku dayaynaa in aan u helno sharciga, waan sugi doonaa”ayuu Koeman u sheegay saxaafada.

“Waxaan rajeynayaa inuu ciyaari karo madaama uu yahay ciyaaryahan aad u fiican”.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Mohamed Hussein Roble Oo Sameeyay Balanqaad Ku Saabsan Doorashada.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here