Waxa haatanba la sii ogaaday kulanka ugu horeeya ee wareega 8 dhamaadka koobka adduunka iyada oo ay isaga hor iman doonaan xulalka Argentian iyo Netherlands.

Netherlands ayaa garaacay xulka USA halka uu xulka Argentina garaacay xulka Australia isla markaas labada xul ayaa ku kulmi dona wareega 8 dhamaadka koobka adduunka.

Ka hor kulnka Xiddigii hore ee Argentina ee Sergio Aguero kabtanka Xulka Argentina ee Messi siiyay tallo uu ku dhaafi karo daafaca xulka Netherlands ee Virgil Van Dijk.

Aguero iyo Van Dijk ayaa horay isaga hor yimid wakhtigii uu Aguero joogay Man City waxana uu si fiican u garanayaa daafaca maadama uu marar badan dhaafay.

“Van Dijk Ma ahan mid orod badan, waxa uu leeyahay lugo dhaadheer, waa in aad wax ku mashquuliso, waa in uu qof kaga qaliyo dhinaca taageereeyaasha, anigu halkaas ayaan gayn lahaa, mar aan wada ciyaarnay waxa uu sheegay in aan anigu ahay weeraryahankii ugu adkaa ee uu la ciyaaray”.

“Waxa uu adeegsadaa xoogiisa, sidaas darteed waa in aad hesho waddo kale sababta oo ah ma ahan xiddig si dhib yar lagu dhaafi karo, waxa uu kuu dhaafayaa kubada kadib waxa uu si dhib yar dhulka kuugu tuurayaa waana sida uu u ciyaaro”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here