Ka dib hishiiska Ronaldo kooxda Alnasr ayaa dadaal ku bixineysa in kooxda keenaan xiddigo magac ku leh dunida , waxa ayna haatan hishiiska labaad bartilmaameed u ah Srrgio Ramos

Wargeyska Marca ayaa sheegeysa in kooxda reer Sacuudi u bandhigeen Ramos hishiis madax wareer ah inkastoo qiimihiisa aan la shaacin

Wargeyska waxa uu xaqiijinayaa in Ramos diidaneen fikirka ah in uu la midoobo Ronaldo xilli hishiiskiisa PSG uu dhamaanayo June sanadkan .

Marca waxa  ay xustay in Ramos uu jawaab siiyay maamulka kooxda Alnasr kuna war giliyay in jawaab kama dambeys ah uu siinayo ka dib kulanka Champion-ka ee PSG iyo Real Madrid xilligaas oo uu sheegay in uu si dhab ah u gorfeynayo bandhigaas.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Romaos lala xariirinayo sidoo kale horyaalka Mareykanka marka uu dhamaado qandaraaska uu kula joogo kooxda reer France

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here