Kooxda Arsenal ayaa qaab xun ku bilaabanaysa xilli ciyaareedka cusub iyaga oo dhexda uga jira masiibo dhaawac ka hor kulankooda ugu horeeya ee Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa kulankooda ugu horeeya ee premier League xilli ciyaareedka cusub maalinta bari oo sabti ah la ciyaari doonta kooxda Fulham.

Laakiin Gunners ayaa dhaawac ku waayi doonta 5 ka mid ah daafacyada kooxda ka hor kulankooda ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Xiddigaha David Luiz, Sokratis, Calum Chambers, Pablo Mari & Shkodran Mustafi ayaa dhamaantood dhaawacyo kala duwan ku seegi doona kulanka Fulham ee sabtida.

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta Fulham kulankooda ugu horeeya ee maalinta sabtida kulan lagu furi doono xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here