Kadib markii ay Man City gacanta ku dhigtay premier League, baacsiga Man City ee saddexleda taariikhiga ah ayaa sii socon doona Final-ka Sabtida ee FA Cup-ka.
Cidda hor taagan ayaa ah kooxda ay xafiiltamaan ee Man United kuwaas oo doonaya in ay ku guulaystaan koobkoodii 2-aad ee xilli ciyaareedkan kadib ku guulaysiga Carabao cup-ka.
Man City iyo Man Utd ayaa ku dagaalami doona garoonka Wembley iyaga oo haysta labad shax ee ugu qaalisan kubada cagta laakiin sidee ayay noqon kartaa qiimaha shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.
Labada kooxood ayaa haysta xiddigo cajiib ah oo qiimo cajiib ah ku jooga suuqa iyada oo ay isku dhafka labada kooxood ku fadhido qiimo lacageed oo dhan 814 milyan oo euro.
Man City ayaa shaxda isku dhafka ah ee ugu qiimaha badan labada kooxood ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig hlka ay Man United ku leedahay kaliya 3 xiddig.
Qiimaha shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood waxa go’aamisay shabakada qiimaysa suuqa kala iibsiga ee Transferemarket.

Related



Source link