Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa isku diyaarinaya furitaanka xilli ciyaareed Cusub ee 2020/201 iyaga oo maalinta sabtida isaga hor iman doona Final-ka Tartanka Community Sheild-ka.
Labada kooxood ayaa soo galay iyaga oo doonaya in ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub koobna u dabaal dagaan.
Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayay u ciyaari karaan kulankan saxiixyo cusub iyada oo xiddigaha Willian, iyo Saliba taam u yihiin kulanka Kooxdooda Arsenal.
Dhanka kale Liverpool oo hal saxiix samaysay ayaa la filayaa in uu u ciyaaro kulanka xiddiga cusub ee Kostas Tsimikas kaas oo xagaagan ku soo biiray kooxda.
Laakiin shaki la’aan labada tababare ee Klopp iyo Arteta ayaa inta badan adeegsan doona xiddigihii horay u joogay kooxda.
Hadaba shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah iyaga oo kaliya adeegsanaya xiddigaha taamka u ah kulanka.