Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Man United Kala Hortagi Karto Tottenham Habeen Danbe – Xiddig Muhiim Ah Oo La Filayo Inuu Soo Laabto

Advertisements

Manchester United ayaa martigelin doonta Tottenham kulan ka tirsan horyaalka Premier League habeen danbe oo Arbaco ah.

Soctt McTominay ayaa ku soo laaban kara shaxda Manchester United habeen danbe iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu cadaadis weyn ku hoos jiro madaama ay badiyeen kaliya afar kulan 14kii kulan ee ugu horeysay.

Waxa ay haatan isku diyaarinayaan inay Old Trafford soo dhaweeyaan tababarahooda hore Jose Mourinho kaasoo hogaaminaya kooxda Tottenham oo uu dib u kicin ku sameeyay.

Mourinho ayaa shaqada la wareegay bishii la soo dhaafay ka dib markii la ceyriyay Pochettino kaasoo haatan lala xiriirinayo Man United haddii Solskjaer la ceyriyo.

Tababaraha reer Norway ayaa tajeynaya in McTominay uu taam u ahaan doono inuu ku soo laabto kooxda isagoo dhaawac cagta ah ku seegay kulamadii ugu danbeysay.

Advertisements

Paul Pogba ayaa isna dhaawac ku seegaya mar kale kulanka habeen danbe si la mid ah Erik Bailly.

Fred iyo Perriera ayaa la filayaa inay khadka dhexe ka garab ciyaaraan kooxda McTominay halka dhanka weerarka la filayo inuu hogaamiyo Rashford iyadoo garbaha ay ka caawinayaan Martial iyo Daniel James.

Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Man United Kala Hortagi Karto Tottenham:

(4-3-3) De Gea; Wan-Bissaka, Maguire, Lindelof, Williams; Fred, McTominay, Andreas; James, Rashford, Martial.

Man Utd team news: Predicted line-up vs Tottenham

Man Utd team news: Predicted line-up vs Tottenham

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII