Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Everton – Arteta Oo Isbedelo Ku Sameeyay Shaxda Gunners & Ancelotti Oo Xiddigo Ay U Soo Laabteen

Advertisements

Waa Arsenal vs Everton. Mikel Arteta vs Carlo Ancelotti, waa kulan xiiso badan leh oo ay labada kooxoodba ka rajeynayaan natiijo fiican marka ay caawa isku arkaan garoonka Emirates Stadium.

Labada tababare ayaa niyadsamidii ku soo celiyay kooxahooda tan iyo markii ay la wareegeen bishii November, laakiin kumaa guusha heli doona maanta?

Arsenal ayaa dib u soo yeeratay Mesut Ozil ka dib markii uu sababo shaqsi ah ku seegay kulankii Europa League ee ay ka guusha ka gaareen kooxda Olympiakos, halka uu Lucas Torreira oo xumad isna ku seegay kulankaas uu kursiga keydka fadhiyo halka Sokratis oo dhaawac jilibka qabay isna uu keyd ku jiro.

Bukayo Saka ayaa isna keyd la geliyay iyagoo Kolasinac uu ku soo bilowday booska daafaca bidix.

Andre Gomes ayaa kursiga keydka soo fariistay markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka jabay canqowga isagoo dhawaan ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo albaabada ay u xiran yihiin.

Fabian Delph ayaa isna soo laabtay ka dib markii uu soo dhameystay ganaax uu ku maqnaa. Walcott ayaase dhaawac uga maqan Everton.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal XI: Leno, Bellerin, Mustafi, Luiz, Kolasinac, Xhaka, Ceballos, Ozil, Pepe, Aubameyang, Nketiah.

Keyd: Martinez, Sokratis, Lacazette, Torreira, Nelson, Guendouzi, Saka.

Advertisements

Everton XI: Pickford, Sidibe, Holgate, Mina, Baines, Delph, Schneiderlin, Sigurdsson, Iwobi, Richarlison, Calvert-Lewin.

Keyd: :Stekelenburg, Keane, Bernard, Gomes, Coleman, Davies, Kean.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII