Shaxda Rasmiga Ah Ee Burnley vs Manchester City – Ayuu Pep Guardiola Ku Soo Bilaabay Shaxdiisa Kulanka Caawa?

Advertisements

Manchester City ayaa dooneysa inay wadada guusha ku soo laabato kulanka caawa ka dib markii ay barbaro la galeen Newcastle isbuuc dhamaadkii taasoo keentay inay kaalinta seddexaad ka dhacaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa ganaax ku seegaya kulanka caawa ka dib markii uu uruursaday shan kaadh oo hurdi ama jaale ah xilli ciyaareedkan.

Weeraryahan Sergio Aguero oo seegay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen kooxda Newcastle ayaa sidoo kale seegaya kulanka caawa ee Turf Moor iyo sidoo kale kulanka Sabtida ee Manchester Derby.

Daafaca bidix waxaa ku soo bilowday Angelino kaasoo bedelay Benjamin Mendy.

Nicolas Otamendi ayaa isna daafac dhexe ka bedelay John Stones halka Rodri uu bedelay xiddigaha ganaaxa ku maqan Ilkay Gundogan iyadoo Bernando Silva uu booska kala baxay Riyad Mahrez.

SHAXDA RASMIGA AH:

Burnley: Pope, Pieters, Bardsley, Tarkowski, Mee, Cork, Drinkwater, McNeil, Lennon, Wood.

Bedel: Hart, Lowton, Banres, Brady, Gibson, Rodriguez, Vydra.

Advertisements

Man City: Ederson, Walker, Angelino, Otamendi, Fernandinho, Rodri, Silva, Bernardo, De Bruyne, Sterling, Jesus.

Bedel: Bravo, Stones, Mendy, Mahrez, Cancelo, Foden, Garcia

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII