Shaxda Rasmiga Ah Ee Club Brugge vs Man United-Ayuu Solskjaer Ku Soo Bilaabay Kulankan Muhiimka Ah?

Advertisements

Manchester United aya marti u ah kooxda Club Brugge oo xili ciyaareedkan ka mid ahayd kooxihii heerka groupyada ee Champions League ku soo hadhay.

Man United waxay tartanka Europa League u aragtaa dariiq kale oo ay markale ugu soo bixi karto Champions League maadaama oo ayna ilaa hadda ku soo jirin maalmaha hore ee horyaalka Prmier League.

Tababare Solskjaer ayaa isbadalo ku sameeyay shaxda kooxdiisa wuxuuna kaydka dhigay David De Gea isaga oo goolka ku soo bilaabay Sergio Romero.

Waxa kale oo shaxda Man United ku soo laabtay Victor Lindelof halka Juan Mata, Pereira iyo Jesse Lingard ay dhamaantood boos ka heleen shaxda Solskjaer.

Laakiin Martial oo kulankii Chelsea eedayn badan la kulmay ayaa markale weerarka hogaaminaya halka saxiixa cusub ee Ighalo uu kaydka ku jiro.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Club Brugge vs Man United

Man United XI: Romero; Dalot, Lindelof, Maguire, Shaw; Williams, Matic; Mata, Pereira, Lingard; Martial.

Advertisements

Kaydka: De Gea, Bailly, Wan-Bissaka, Fred, Fernandes, James, Ighalo.

Club Brugge XI : Mignolet, Mata, Kossounou, Mechele, Deli, Rits, Balanta, Vanaken, Bonaventure, Tau, De Cuyper

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII