Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Barcelona vs Atletico Madrid – Setien oo kaydka Geliyey Fati Iyo Griezmann

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku kulansan garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona, waxaanay isku haleelayaan ciyaar saamayn badan ku leh cidda ku guuleysanaysa horyaalka LaLiga ee Xili Ciyaareedkan.

Tababare Quique Setien ayaa safka kooxdiisa ka reebay weeraryahanka reer France ee Greizmann oo kulankii labaad oo xidhiidh ah kaydka kasoo muuqanaya, waxaanau safka hore kusoo bilaabay laba weerar oo kaliya oo ah Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Khadka dhexe ayuu awoodda saaray tababaraha Barcelona, waxaanu kusoo galay qaab 4-4-2 ah iyadoo uu Busquets, Puig, Vidal iyo Rakitic dhamaantood iska garab ciyaarsiiyey, halka difaacana Semedo, Pique, Lenglet iyo Alba ay isku weheshanayaan.

Diego Simeone oo dhinaciisa ay dhaawacyo iyo ganaaxyo ba jiraan ayaa safkiisa kusoo qaddimay weeraryahanka Diego Costa oo kaalmo ka helaya Corea, waxaana uu isaguna kaydka dhigay da’yarka lacagta badan kaga soo baxday ee Joao Felix.

Saul Niguez oo tiir adag ah ayaa dhexda taagan, waxaana garbihiisa jooga Thomas, Llorente iyo Carrasco, halka difaacana ay Lodi, Felipe, Arias iyo Gimenez diyaar ku yihiin.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

BARCELONA  XI: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Vidal, Rakitic, Busquets, Puig; Messi, Suárez (4-4-2)

KAYDKA: Neto (GK), Iñaki Peña (GK), Umtiti, Araujo, Firpo, Roberto, Arthur, Monchu, Collado, Ansu Fati, Braithwaite, Griezmann

ATLÉTICO MADRID XI: Oblak; Arias, Giménez, Felipe, Lodi; Llorente, Thomas, Saúl, Carrasco; Correa, Costa (4-4-2)

KAYDKA: Adán (GK), Hermoso, Trippier, Álvaro, Sánchez, Ricard, Lemar, Herrera, Vitolo, João Félix, Morata, Saponjic

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII