Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Liverpool – Guardiola Iyo Klopp Oo Aan Waxba Iskula Hadhin

Liverpool oo u dabbaal-degaysa hanashada horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 30 sannadood ah ayaa ku sugan garoonka Etihad Stadium oo ay marti ugu tahay Manchester City.

Kooxda tababare Jurgen Klopp oo hoggaanka 23 dhibcood ku haysa, waxay saf sharafeed ka helaysaa Man City, laakiin ciyaarta gudaheeda ayay labada kooxoodba ka samaynayaan dagaal si ay iskaga ilaaliyaan guul-darro u gasha rikoodhkooda xili ciyaareedka.

Manchester City ayaa u socota inay ka aargoosato Liverpool oo kulankii Anfield 3-1 kusoo garaacday, laakiin Reds ayaa guushii labaad ee xidhiidh ah u socota, si ay u ilaashadaan rikoodhkooda cusub ee guulaha ee ay soo bilaabeen markii ay Watford ka joojisay inay rikoodhkii Arsenal soo qabtaan.

Jurgen Klopp ayaa kusoo bilaabay weeraryahanka reer Masar ee Mohamed Salah oo safka weerarka la xoojinaya Firmino iyo Sadio Mane.

Khadka dhexe ayay tiirarka adag ee Henderson, Fabinho iyo Wijnaldum ku diyaarsan yihiin, halka difaacana ay ku dhamaystiran yihiin Van Dijk, Gomez, Robertson iyo Alexander-Arnold.

Milner oo kasoo laabtay dhaawac ayaa kaydka kula jira Naby Keita, Chamberlain, Minamino iyo Origi.

Kooxda garoonkeeda joogta ee Manchester City ayaa dhinaceeda uu Pep Guardiola soo safay xiddigihiisa ugu adag isagoon waxba dhigan, waxaanu lasoo shir tegay shax ka kooban 4-3-3 oo ay iskaga mid yihiin Liverpool.

Gabriel Jesus, Raheem Sterling iyo Phil Foden ayaa kusoo wada bilowday safka hore, waxaana khadka dhexe ka caawinaya De Bruyne, Rodri iyo Gundogan.

Difaaca ayuu kusoo laabtay Garcia oo kasoo kacay koomo uu galiyey Ederson, waxaanu ka garab ciyaarayaa Walker, Laporte iyo Mendy.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Manchester City: Ederson; Walker, Garcia, Laporte, Mendy; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Foden, Jesus, Sterling

Kaydka: Bravo, Stones, Zinchenko, B.Silva, D.Silva, Mahrez, Cancelo, Otamendi, Doyle

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Kaydka: Adrian, Milner, Keita, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Origi, Jones, Elliott, Williams

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII