Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs Watford – Ayuu Solskjaer Ku Soo Bilaabay Shaxda Kulanka Adag Ee Galabta? Miyaa Ighalo Lagu Soo Bilaabay?

Advertisements

Kooxda Manchester United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Watford kulan ka tirsan horyaalka Premier League toddobaadkiisa 27-aad, Kulankan ayaa ah mid si weyn muhiim ugu ah loolanka labada kooxood ee xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa iyadu doonaysa inay saddexda dhibcood hesho si ay boosaska Champions League loogu soo baxo u gasho halka Watford ay doonayso guul ay kaga soo kacdo kaalmaha looga hadho horyaalka ee ay haatan ku jirto.

Tababare Solskjaer ayaa kulankan shaxdiisa kusoo celiyay Lindelof iyo Greenwood oo seegay kulankii Chelsea waxaana keydka kusii jira Ighalo halka Bailly oo wacdarro soo dhigay ciyaartii Chelsea uu sidoo kale fadhiyo, Da’yarka khadka dhexe ee Scott McTominay oo dhaawac kasoo laabtay ayaa kulankan keydka ku jira

Waxaa weli Manchester United dhaawacyo kaga maqan Marcus Rashford iyo Paul Pogba.

SHAXDA RASMIGA AH:

Man United: De Gea, Lindelof, Maguire, Wan-Bissaka, Williams, Fred, Bruno Fernandes, James, Greenwood, Matic, Martial.

Keydka: Romero, Bailly, Williams, Mata, McTominay, Ighalo, Chong.

Advertisements

Watford: Foster, Dawson, Masina, Cathcart, Kabasele, Deulofeu, Doucoure, Hughes, Capoue, Pereyra, Deeney

Keydka: Gomes, Mariappa, Cleverley, Chalobah, Sarr, Welbeck, Gray.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII