Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Real Madrid vs Getafe – Zidane Oo Soo Xushay Laacibiintii Hoggaanka Usii Dheerayn Lahayd

Real Madrid ayaa qaabilaysa Getafe kulan xaasaasi ah oo ay hoggaanka horyaalka ugu qaban karayaan afar dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreynayaan Barcelona oo kaalinta labaad u degtay, isla markaana barbarro qalbi jab ah la gashay Atletico Madrid.

Zidane ayaa safkiisa kusoo bilaabay Karim Benzema oo ah halyeyga aan la taaban karin ee haddii uu taam yahay aan sinaba looga iman karin, waxaana weerarka ka caawinaya Vinicius Junior oo booska Eden Hazard oo la nasiyey soo galay.

Isco ayaa kusoo laabtay safka kooxda, halka Luka Modric, Toni Kroos iyo Casemiro ay khadka dhexe wada adkayn doonaan.

Difaaca reer Brazil ee Marcelo ayaa kaydka kasoo muuqda oo laga door biday Mendy, balse saddexda boos ee kale ee Varane, Ramos iyo Carvajal ayaanu isbeddel ku iman oo dhamaantood wada xajistay boosaskooda.

Goolhaye Courtois oo ku tartamaya abaal-marinta Zamora Trophy ee goolhayaha ugu wanaagsan xili ciyaareedka, hoggaankana haya ayaa isaguna raadin doona inuu shabaqiisa nadiif ka dhigo iyadoo kaliiya 18 gool laga dhaliyey 29 ciyaarood oo hore oo uu saftay.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy, Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric, Isco, Karim Benzema iyo Vinicius.

Getafe  XI: David Soria, Damian Suarez, Djene Dakonam, Xabier Etxeita, Mathias Olivera, Oghenekaro Etebo, Mauro Arambarri, Nemanja Maksimovic, Marc Cucurella, Jaime Mata iyo Jorge Molina.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII