Waxa la soo afjaray kulamadii wareega Group-yada koobka adduunka iyada oo tartanku marayo meel xiiso iyo xamaasad leh.
Waxa jira xiddigo wacdaro dhigay intii ay socdeen kulamadii Group-yada isla markaas soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.
Xiddigo badan ayaa caawiyay xulalkooda in ay si fiican u ciyaaraan isla markaas iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka koobka adduunka.
Kadib dhamaadka kulamada Group-yada waxa la soo saaray shaxda ugu fiicnayd xiddigihii sida fiican u ciyaarya intii ay soceen wareega Group-yada.
Xulka France ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib markii ay si fiican u ciyaareen.
Dhinaca kale xulalka Switzerland iyo Brazil ayaa sidoo kale shaxda ku leh min 2 xiddig kuwaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican tartanka.
Xulalka Spain, Croatia, Argentina iyo England ayaa shaxda ku leh min hal xiddig kadib markii ay wacdaro dhigeen tartanka.