Xilli ciyaareedka 2022/2023 ayaa ku bilowday si aan horay loo arag iyada oo markii ugu horaysay ee taariikhda bartamaha xilli ciyaareedka la ciyaaray koobka adduunka markii lagu qabtay dalka Qatar.

Arintaas ayaa sabab u noqotay in ay kooxaha kubada cagtu ciyaaraan kulamo aad u badan ka hor intii aan la galin fasaxii koobka adduunka.

Waxa ay arintaas keentay in ay xiddiguhu u baahdaa la qabsi waxana jira xiddigo badan oo magac leh oo si weyn u fashilmay.

Xilli dib loo bilaabay xilli ciyaareedka horyaalada kala duwan waxa la soo saaray shaxda ugu xun ee ilaa haatan xilli ciyaareedka 2022/2023.

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa shaxda ugu xun ilaa haatan xilli ciyaareedka ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig.

Horyaalka La Lga ayaa dhinacooda shaxda ku leh 2 xiddig halka horyaalada France, Italy iyo Germany shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Dhinaca kooxaha Man United ayaa ah kooxda kaliya ee 3 xiddig ku leh shaxda ugu xun ilaa haatan xilli ciyaareedk.

Barcelona ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 2 xiddig halka Kooxaha Inter,  Juventus, PSG, chelsea, Liverpool iyo Hoffenheim ku leeyihiin min hal xiddig.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here