Waxa la soo afjaray tartanka koobka adduunka iyada oo la ciyaaray tartanka 28 maalin tan ilaa maalintii uu bilowday.

Xulka Argentina ayaa loo caleemo saaray geesiyaasha koobka adduunka iyaga oo ku garaacay xulka France ee difaacanayay koobka adduunka.

Kadib dhamaadka tartanka waxa la soo saaray shaxdii ugu xumayd ee koobka adduunka ka soo dhamaaday dalka Qatar.

Waxa jira xiddigo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican isla markaas si weyn ugu dhibaatooday in ay is muujiyaan.

Shaxda ugu xun ayaa la soo saaray iyada oo la soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka xun soo bandhigay intii uu tartanku socday.

Xulka Marti galiyay tartanka ee Qatar ayaa shaxda ugu xun ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig.

Xulalka Canada iyo Serbia ayaa ku xiga oo shaxda ku leh min 2 xiddig kadib markii ay ku dhibaatoodeen tartanka.

Xulalka Netherlands, Wales iyo Costa Rica ayaa sidoo kale shaxda ku leh min hal xiddig kadib markii ay tartan niyad jab leh soo qaateen.

Image



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here