Xiddiga weerarkauga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona ka hor intii uuna la kulmin tababaraha cusub ee Ronald Koeman kaas oo ku qanciyay in uu badalo go’aankiisa sida uu xaqiijiyay wakiilkii hore ee xiddigu.

Koeman ayaa la kulmay xiddigaha Barcelona tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda waxana uu xiddigo dhawr ah u sheegay in ay koox cusub raadsadaan iyada oo uu ku jiro Luis Suarez.

Si kasta ha ahaatee Antoine Griezmann ayuu tababaruhu u sheegay in uu door muhiim ah ka noqon doono qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

“Ka hor ceebtii Bayern, Antoine waxa uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda”ayuu u sheegay RMC Sport.

“Waxa uu dareemay in uuna ka qayb ahayn qorshaha Barcelona mana doonayn in ay arimuhu sidaas ku sii socdaan”.

“Sidaas darteed waxa uu sugayay inta uu ka dhamaanayo xilli ciyaareedku laakiin Koeman ayaa ku qanciyay in uu badalo go’aankiisa kadib markii uu u sheegay in uu muhiim ka yahay qorshihiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here