Kooxda chelsea ayaa lagu soo waraamayaa in ay ka fiirsato ka laabashada heshiiska ay ku doonayaso saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara Leicester City ee Ben Chilwell.

Chelsea ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxiixa xiddiga daafaca bidix ka ciyaaara ee Ben Chilwell laakiin Blues ayaa haatan hakad galisay saxiixsiisa.

Wargayska ayaa sheegaya sababta ay chelsea u joojisay saxiixa xiddiga Ben Chilwell in ay tahay in dhibaato jilibka ah laga dareemay markii uu maray tijaabada caafimaadka ee Blues.

Maamulka Blues ayaa haatan go’aamiyay in uu xiddigu maro baadhitaan dheeraad ah saacadaha soo socda si loo ogaado inta uu dhaawacu leegyahay.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhawaan ka soo kabsaday dhaawac halis ah oo jilibka ah oo uu garoomada uma maqnaa muddo bil iyo badh ah.

Wargayska ayaa sheegaya in ay chelsea ka laaban doonto heshiiska hadii dhaawaca xiddigu noqdo mid aan fiicnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here