Xiddiga khadka dhexe ee xulka Uzbekistan Jalaluddin Masharipov ayaa wax ka badan hal dharbaaxo kala kulmay guddiga maamulka kooxda Al-Nasr, taasoo ay ugu wacan tahay saxiixa halyeeyga reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Kooxda Al-Nasr ayaa ku dhawaaqay saxiixa Cristiano Ronaldo kaas oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2025 ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sportsport, Kooxda Al-Nassr ayaa xiddiga Masharipov ku qasabtay in ay ka qaado Lambarka No.7 kadib markii uu diiday in uu Iskii u baneeyo Lambarka oo uu Ronaldo doonayay in uu u xidho kooxda.

Xiddiga Masharipov ayaa ogolaaday in uu xidho Lambarka No.77 si uu Cristiano Ronaldo u qaato Lambarka uu ku caan baxay ee No.7 soona qaatay xirfadiisa ciyaareed inteeda badan.

Kooxda Al-Nassr ayaan intaas ku ekaan waxana ay go’aansatay in ay xiddiga dhigto suuqa kala iibsiga si ay u iibiso inta uu furanyahay suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here