Erik ten Hag ayaa ku wakhti fiican ku qaadanaya Man United xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Isaga oo kooxda kula guulaystay Koobka Carabao cup-ka sidoo kale la aaday Final-ka FA Cup-ka.
Laakiin arintaas ayaan Ten Hag ka hor istaagayn in uu qorsheeyo dib u dhiska kooxdiisa suuqa xagaaga isaga oo ku riyoonaya in uu dhiso shax u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.
Waxa jirta boosas badan oo ay Man United ka jilicsantahay waxana uu doonayaa in uu xaliyo arintaas inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Ten Hag ayaa doonaya booska ugu muhiimsan oo ah dhinaca weerarka waxana uu doonayaa in uu la soo saxiixdo weeraryahan dilaa ah oo dhalin kara goolal badna.
Waxa sido kale lala xidhiidhinyaaa xiddig ka ciyaari kara daafac midig sidoo kale xiddig khadka dhexe ku fiican.
Ugu dambayn Ten Hag ayaa doonaya in uu kooxda keeno badalka David De Gea kaas oo sameeyay khaladaad badan oo dilaa ah xilli ciyaareedkan.
Related