Xiddigaha Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay la yaabeen go’aankii uu Lionel Messi Maamulka Barcelona uga codsaday in uu iaga tago kooxda xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Halyeeyga reer Argentine ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa salaasadii isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago xagaagan.

Codsiga Messi ayaa ka yaabiyay adduunka oo dhan xiddigaha Real Madrid ayaana si weyn ula yaabay arintaas kuna falanqeeyay WhatsApp Group ay ku wada jiraan sida uu sheegayo wargayska ESPN.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha Real Madrid ilaa haatan aamini laayihiin arintaas xilli 20-kii sano ee uu Messi joogay Barcelona ku dhawdahay in ay soo dhamaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here