Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr maalmihii ugu dambeeyay iyada oo la sheegayo in uu xiddiga reer Portugal ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda.

Waxa jira warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo xitaa qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Al-Nassr isla markaas noqday xiddig kooxda ah.

Ronaldo aya xitaa lagu arkay magaalada Riyad ee Saudi Arabia si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Al-Nassr

Laakiin ilaa haatan ma jiro wax heshiis ah oo lagu dhawaaqay inkasta oo ay warar badan xaqiijinayaan ku biirista Ronaldo ee kooxda Al-Nassr.

Wargayska Record ee ka soo baxa dalka Portugal ayaa sheegaya in sababta ka dambaysa dib u dhista ku dhawaaqista Ronaldo ay tahay in uu xiddigu wali qalbiga ku hayo in uu ku biiro koox reer yurub ah.

Ronaldo ayaa wali doonaya in uu ku biiro koox ka ciyaarta champions League si uu u sii joogo qaarada yurub inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Cristiano ayaa haatan bilaa koox ah kadib markii ay Man United kansashay heshiiskiisa sabab la xidhiidha waraysi muran badan dhaliyay oo uu bixiyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here