Tababaraha Kooxda Man United Ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay Jadon Sancho si uu ugu xaqiijiyo inuu heshiisku ku dhow yahay in la isla meel dhigo.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku adkeysaneysa in ayna 20 jirkan reer England ku iibin doonin wax ka yar 120 milyan oo euro.

Kooxda Man United iyo xiddiga Jadon Sancho ayaa ka heshiiska shaqsiga ah isla meel dhigay laakiin Red Devils ayaa diidan in ay bixiso lacagta ay Dortmund doonayso.

Taas ayaa keentay in ay Man United ka cabsi qabto in ay xiddiga u waydo kooxaha Real Madrid, Barcelona & Liverpool kuwaas oo xiiso u qaba xiddiga 20 jirka ah.

Laakiin wargayska Reer Norway ee Dagbladet ayaa sheegay in uu Solskjaer si joogto ah ula xidhiidho Sancho xagaagan oo dhan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Solskjaer xiddiga reer England u xaqiijiyay in uu noqon doono xiddig Man United ah xagaagan.

Kooxda Man United ayaa ilaa 5 bisha October haysata si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga Sancho hadii ay doonayaan saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here