Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steve Nicol ayaa qiimeeyay fursadaha Kooxda Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Steve Nicol ayaa sheegay in ayna kooxda Liverpool difaacan doonin horyaalka premier League xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha daawacyada ku badanaya kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayay 14 xiddig ka dhaawacmeen tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo saamayn weyn ku yeelan karta kooxda Liverpool.

Steve Nicol oo la hadlaya ESPN ayaa yidhi”Fikir ahaantayda waxa hoos u dhacay Fursadaha Liverpool ee ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan”.

“Kadib dhaawacyada dhanka daafaca ee sii badanaya Liverpool fursad uma haysato ku guulaysiga premier League”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here