Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa shaaca ka qaaday qorshaha Uu Liverpool ugaga caawinayo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.

Kooxda Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Liverpool ayaan kali ku ahayn baacsiga Jude Bellingham waxana ay tartan adag kala kulmayaan kooxaha Real Madrid, Man United iyo Man City.

Si kasta ha ahaatee Steven Gerrard ayaa sheegay in uu Kooxdiisii hore ka caawin doono sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga reer England.

“Waxaan doonayaa in Jude Bellingham ku biiro Liverpool, waxa aan u duuli doonaa Dortmund si aan casho fiican ugu qaado isaga”ayuu yidhi.

“Waxa kaliya ee uu u baahan yahay waa in uu ii qabto wakhti, kadib waxa aan u duuli doonaa Dortmund si aan ugala hadlo ku biirista Liverpool”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here