BARCELONA, SPAIN – OCTOBER 06: Luis Suarez of FC Barcelona looks on during the Liga match between FC Barcelona and Sevilla FC at Camp Nou on October 06, 2019 in Barcelona, Spain. (Photo by Aitor Alcalde/Getty Images)

Tababaraha cusub kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa laga soo xiganayaa in maamulka kooxda uu ku war giliyay sedex ciyaartooy oo uusan dooneyn in uu sii haysto .

Tan iyo markii Ronald Koeman loo dhiibay maamulka kooxdaas waxaa soo isa soo taraya mar waliba ciyaartooy loo badinayo in uu ka kaaftoomayo.

Waxa ay shalay wargeysyada qoreen in Suarez iyo Vidal uu ku war giliyay in kooxo kale ay raadsaadaan ayna qeyb ka aheyn qorshayaashiisa xilli ciyaareedka dambe .

Wargeyska Spotrt ayaa soo xiganaya in sedexda ciyaartooy ee cusub ay kala yihiin Ivan Rakitić , Umtitti iyo Firbo , xilli Ivan Rakitić uu doonayo in uu ku biiro kooxda Sevilla

Waxaa la xusayaa in labada laacib kale ay ku bixi doonaan qaab amaah iyadoo loo badinayo in ay aadi doonaan horyaalka Talyaaniga

Dhanka kale Suarez ayaa shuruud ku xeray in uu ka huleelo kooxdaas , waxa uuna codsaday in la siiyo mushaarka inta ka harsan hishiiskiisa

Hishiiska Suarez ee Camp Nou waxa uu dhacayaa xagaaga 2021-ka waxa uuna codsanayaa in la siiyo mushaarka kaasi oo gaaraya 25 milyan oo euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here