Supercomputer ayaa sameeyay saadaashiisii ugu dambaysay ee horyaalka premeier League xilli tartanku meel xiiso leh marayo.

Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa isku baacsanaya tartanka premier League iyaga oo ku dagaalamaya ku guulaysiga horyaalka premier league.

Dhinaca kale Kooxaha Tottenham, Chelsea, Man United, Newcastlle iyo Liverpool ayaa ku tartamaya labada boos ee kale looguna soo boxo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Tartanka kaalmaha loogu soo boxo champions League ayaa noqon doona mid ka xiiso badan midka loogu jiro tartanka horyaalka premier League.

Supercomputer Ayaa kooxda Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League iyaga oo Arsenal kaga qaadi doona farqiga goolasha.

Kooxda Man United ayuu Supercomputer u saadaaliyay in ay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Supercomputer ayaa Liverpool oo dhibaatoonaysa u saadaaliyay kaalinta 4-aad iyaga oo Newcastle kaga qaadi doona booska farqiga goolasha iyada Kooxda chelsea ayaa loo saadaaliyay kaalinta 8-aad ee kala saraynta.

Image



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here