Xiddiga cusub ee kooxda Arsenal ee Willian ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay Gunners 3/0 ku garaacday kooxda Fulham kulankoodii ugu horeeyay ee premier League.

Laakiin Taageerayaasha Arsenal ayaa durba shaki galiyay tayada xiddiga reer Brazil sabab la xidhiidha in uu Henrikh Mkhitaryan sidoo kale si fiican u ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal

Arsena ayaa ka awood weynayda kooxda Fulham iyaga oo guul weyn oo 3/0 ah ka gaadhay iyaga oo uga mahad celinaya goolal ay dhaliyeen xiddigaha Gabriel Magalhaes, Alexandre Lacazette Iyo Kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Xiddiga Willian ayaa shaki la’aan ahaa xiddiga ugu fiican ee kulanka isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal.

Laakiin taageerayaasha Arsenal ayaa ka shaki qaba in uu xiddigu qaab ciyaareed fiican soo bandhigi doono xilli ciyaareedkan iyaag oo ku soo hal qabsaday xiddigii ku fashilmay kooxda ee Henrikh Mkhitaryan.

Taageere ayaa Twitter-ka ku soo qoray” Waxa aan xasuustaa markii uu Mkhitaryan 3-da gool caawiyaha ka noqday kulankiisii ugu horeeyay,waxa aan rajaynayaa in uu Willian Maro wado ka duwan midii Mkhitaryan”.

Taageere kale ayaa yidhi” Qaab ciyaareedka Willian waxa uu i xasuusiyaa qaab ciyaareedkii Mkhitaryan ee kulankii ugu horeeyay ee Arsenal, hadii aad ogtahay”

“Willian 3 caawin kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal, Taageerayaasha Arsenal waxa ay ka fikirayaanin uu yahay Mkhitaryan kale”ayuu taageere kale yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here