Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa isku qoray taariikhda koobka adduunka kadib markii uu gool u dhaliyay xulkiisa kulankii ay garaaceen xulka Netherlands.
Xulka Argentina ayaa rikoodhayaal kaga badiyay xulka Netherlands kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka koobka adduunka iskana xaadiriyay wareega semi-fianl-ka tartanka.
Lionel Messi ayaa rikoodhe dhaliyay qaybta dambe ee ciyaarta waxana uu hogaanka u dheereeyay xulkiisa ka hor inta ayna Netherlands soo laaban.
Kadib goolkaas xiddiga Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoodhka halyeeyga reer Argentina ee Gabriel Batistuta kaas oo ah xiddiga ugu goolasha badan xulka Argentian koobka adduunka.
Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee koobka adduunka waxana uu haatan la bar-baro yahay halyeeyga ay isku dalka yihiin ee Gabriel Batistuta.