Xulka Morocco ayaa sii wada samaynta taariikhda kubada cagta isla markaas ka yaabinaysa taageerayaasha adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Portugal.

Morocco ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay xulka Portugal kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka koobka adduunka isla markaas iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka.

Xulka Morocco ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee African ah ee iska xaadiriya Semi-final-ka koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Portugal.

Ma jiro xul Africa ah oo Abid gaadhay halka ay Morocco haatan ka gaadho koobka adduunka taariikh ahaan laakiin xulka Morocco ayaa isku qortay taariikhda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here