Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa ka hadlay wararka xiddiga Thiago Alcantara la xidhiidhinaya kooxda Liverpool kadib ku guulaysigii Bayern ee champions League.

Thiago ayaa ku bilowday shaxda Bayern Munich ee kulankana waxana ay dad badan filayeen in uu noqdo kulankiisii ugu dambeeyay ee Kooxda.

Liverpool ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga 29 jirka ah iyada oo la filayo in ay kooxda ku guulaystay horyaalka in ay kor u qaado dadaalooda kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bayern.

Laakiin tababaraha Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa ka niyay taageerayaasha Liverpool kadib markii wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga intii uu ku jiray shirkii ka dambeeyay kulanka.

“Maya, waxa uu ii sheegay in uu doonayo in uu sii joogo”ayuu ku jawaabay markii wax laga waydiiyay in uu Thiago ka tagayo kooxda xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here