Tababaraha Brighton Roberto De Zerbi ayaa qirtay in kooxdu aysan ugu dambeyntii awood u lahayn inay sii haysato Moises Caicedo xagaagan iyada oo kooxaha Arsenal iyo Man United doonayso saxiixiisa.
Seagulls ayaa diiday £70 milyan ah oo ay Arsenal ku doonaysay xiddiga khadka dhexe suuqii January laakiin go’aankooda ayaa mar kale la tijaabin karaa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda, gaar ahaan haddii Man Utd ay ku biirto tartanka.
Caicedo ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Brighton oo markii ugu horaysay taariikhdooda u soo baxday tartamada yurub siina wada qaab ciyaareedkooda fiican.
Tababaraha 21 jirka ah ayaa in ayna Brighton awood u yeelan doonin in ay sii haysato xiddiga khadka dhexe ku fiican.
“Waxa aan Moises siin karnaa fursad uu ku ciyaari karo tartamada yurub, heerkeenu haatan wuu kordhay, waa xiddigo fiican”.
“Waxan ka fikirayaa naftayda, kooxda iyo sidoo kale xiddiga, waxa ay leeyihiin Nolo sidaas darteed go’aan uma qaadan karno iyaga”

Related



Source link