Tababaraha kooxda Cusub ee Cristiano Ronaldo ayaa durba niyada ka jabiyay xiddigiisa isaga oo saxafiyiinta u sheegay in uu doonayay saxiixa Lionel Messi halka uu ka helay Cristiano Ronaldo.

Tababaraha kooxda Al-Nassr ee Rudi Garcia ayaa wax laga waydiiyay imaatinka Ronaldo ee kooxdiisa kadib markii uu xiddigu saxiixay heshiis 2 sano ah.

“Markii hore waxa aan doonayay saxiixa Messi”ayuu yidhi isaga oo kadib qosol la dhacay.

Cristiano ayaan ku faraxsanaan doonin hadalka tababarihiisa cusub maadama uu Xiddiga reer Argentine u arko cadawgiisa 1-aad ee dhinaca kubada cagta.

Ronaldo iyo Messi ayaa si weyn ugu xafiiltamayay wax walba 15-tii dambe ee ugu dambeeyay hadii ay tahay dhinaca goolasha, abaalmarinaha, mushaharka iyo koobabka.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan noqday xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta isaga oo lacag waali ah jeebka ku shuban doona inta uu joogo kooxda Al-Nassr.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here