Tababare Mikel Arteta Oo Wakiilo U Diray Dalka Talyaaniga & Xiddiga Ay Soo Daawanayaan Oo Si Qarsoodi Ah Loo Ogaaday.

Advertisements

Tababare Mikel Arteta ayaa wakiiladiisa qiimeeya ciyaartoyda u diray dalka talyaaniga, waxeyna u baxeen iney soo daawadaan mid ka mid ah ciyaartoyda ay kooxda xiiseyneyso sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha wadanka.

Macalinka reer Spain ayaa laba xiddig keenay bishii January, Pablo Mari iyo Cedric Soares ayaa amaah ugu soo biiray kooxda, waxeyna heystaan fursad ay dhamaadka xagaagan kula saxiixdaan hadii ay anfacaan.

Si kastaba Arteta wuxuu doonayaa inuu kooxda dhan walba ka xoojiyo, sidoo kalana uu isbadalo ku sameeyo xiddigahiisa khadka dhexe oo qaarkood ka bixi kara marka uu tartanka qaramada yurub soo dhamaado.

Advertisements

Arteta wuxuu doonayaa inuu khadka dhexe ciyaartoy tayo leh kusoo daro, sidaas darteed wuxuu wakiilo soo daawado u diray xiddiga khadka dhexe Roma (Bryan Cristante).

Wargeyska calciomercato ayaa ku waramay in Arteta uu la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga balse wakiiladiisa ay qiimeyn saa’id ah sameynayaan, waxeyna daawanayaan kulanka ay Roma la ciyaari doonto Lecce maalinta Axadda.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII