Horyaalka premier League ayaa ku bilowday si dar-dar leh xilli ciyaareedkan iyada oo durba la kala dhaliyay goolal aad u badan inkasta oo kaliya todobaadkii 3-aad la ciyaaray.
Xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray.
Sidoo kale xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa wacdaro dhigaya sidii xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 5 gool dhankiisa.
Xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-Min ayaa ku xiga isgaa oo dhaliyay 4 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka premier League.
Xiddigaha, Patrick Bamford, Danny Ings, Alexandre Lacazette, Sadio Mane Neal Maupay, Mohamed Salah iyo xiddigo kale ayaa dhaliyay min 3 gool dhankoosa.
Hadaba halkan hoose Kaga Bogo xiddigaha ugu goolasha badan premier League ilaa haatan:
- Dominic Calvert-Lewin (Everton) Gool
- Jamie Vardy (Leicester City) 5
- Son Heung-Min (Tottenham Hotspur) 4
- Patrick BamfordBamford (Leeds United) 3
- Danny Ings (Southampton) 3
- Alexandre Lacazette (Arsenal) 3
- Sadio Mané (Liverpool) 3
- Neal Maupay (Brighton & Hove Albion) 3
- Mohamed Salah (Liverpool) 3
- Wilfried Zaha (Crystal Palace) 3

Source: Laacibfm.com