Thiago Alcantara ayaa ugu dambayn maanta dhamaystiray ku biiristiisii kooxda Liverpool kadib muddo bilo ah oo lala xidhiidhinayay Anfield.

Kadib markii uu saddexley kula guulaystay Bayern Munich xiddigii hore ee Barcelona ayaa doortay in uu ku biiro horyaalka premier League.

Thiago ayaa shaaca ka qaaday in ay xiddigaha Philippe Coutinho & Xabi Alonso ku qanciyeen in uu ku biiro kooxda Liverpool.

“Haa, shaki la’aan waxa aan wax ka ogaaday meelo badan oo aan kubada cagta kaliyaahayn, Liverpool sanadihii ugu dambeeyay waxa ay gaadhay guulo waaweyn, waxa ay soo bandhigaan qaab ciyaareed cajiib ah waxana aan ugu soo biiray in aan caawiyo”.

“Philippe Coutinho & Xabi Alonso ayaa si weyn iiga caawiyay in aan ku biiro kooxda waxana ay wax iga sheegeen meelo badan oo kooxda iyo magaalada ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here