Madaxweynihii hore ee kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa xaqiijiyay laba kooxood oo uu Thiago Alcantara haatanba heshiis la gaadhay xilli uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe halka ay sidoo kale Man United dhankeeda xiiso u muujisay.

Uli Hoeness ayaa sheegay in uu Thiago Alcantara doonayo in uu isaga tago kooxda isaga oo waliba haatanba heshiis la gaadhay kooxaha Man United iyo liverpool.

“Waxa aan u soo bandhignay heshiis fiican oo 4 sano ah laakiin daqiiqadii ugu dambaysay ayuu badalay go’aankiisa waxana uu noo sheegay in uu doonayo in uu tartan cusub qaato”ayuu Uli Hoeness u sheegay Sport1.

“Waxa laga yaabaa in uu haatanba heshiis la gaadhay Liverpool Ama Man United ama labada kooxoodba sidaas darteed labada kooxoodba waa in ay dalab ka soo gudbiyaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here