Thiago Silva ayaa aad uga xumaaday Mason Mount oo ay u badan tahay inuu ka tago Chelsea iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku sii dhowaanayo u dhaqaaqista Manchester United.
Mount ayaa kaliya hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Chelsea, waxaana uu ku guuldareystay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Chelsea ayaa haatan u furan inay iska iibiso 24 jirkaan xagaagan, halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd suuqa kala iibsiga xagaaga dambe iyada oo ay xiiso u qabaan kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Man United.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Mount iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United.
Man United ayaan wali chelsea kala heshiin qiimaha xiddiga laakiin waxa ay u badantahay in uu Mount isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.
Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa ka fal celiyay warar sheegaya in xiddiga ay isku kooxda yihiin heshiis la gaadhay kooxda Man United.
Thiago Silva ayaa Indho ilmo ka socoto kaga fal celiyay war lagu daabcay baraha bulshada oo sheegaya in uu Mount heshiis la gaadhay kooxda Man United.
Related