Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa sheegay sababta uu ugu biiray dabaal-daga xiddigaha xulkiisa kulankii South Korea ee koobka adduunka.

Xulka Brazil ayaa ka mid ah xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka waxana ay guul weyn oo 4/1 ah ka gaadheen xulka South Korea.

Tababare Tite ayaa xiddigihiisa kula biiray dabaal daga taas oo keentay in Ixtiraam daro lagu tilaamo waxa ay sameeyeen xiddigaha iyo tababaraha Brazil.

Laakiin Tite ayaa beeniyay in dabaal-daga uu kula biiray xiddigihiisu ay Ixtiraam daro ahaayeen isla markaas sharaxaysay farxadooda.

“Waa in aan is ilaalino marka aan samaynayno dabaal-daga qoob ka ciyaarka sababta oo ah waxa mar walba jirta cid Ixtiraam daro ku tilmaamaysa arintaas”ayuu Tite yidhi.

“Laakiin Ixtiraam daro kamaanu wadin laakiin waxa aan soo bandhignay farxad aan ku qabno dhalinta goolasha”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here