Tottenham Oo Guul Ay Ku Dhibaatootay Ka Gaadhay Everton, Mourinho Oo Kusii Joogsaday Ancelotti Iyo Shimbirkii Babdaadiyey Spurs

Tottenham ayaa kusoo laabatay dariiqa guusha, waxaanay 1-0 dirqi ah kaga adkaatay Everton oo kusoo booqatay Tottenham Hotspur Stadium.

Gool uu daqiiqaddii 24aad iska dhaliyey difaaca Everton ee Michael Keane ayaa Jose Mourinho iyo kooxdiisa ugu filnaaday inay saddexda  dhibcood ee ciyaarta gacanta ku dhigaan, isla markaana ay qalbi jab ku baxaan wiilasha tababare Carlo Ancelotti oo dedaal badan sameeyey.

Guushan ayaa Tottenham kusoo celisay kaalinta siddeedaad ee kala-sarraynta kooxaha horyaalka, halka ay Everton u degtay kaalinta 11aad.

Shaxdii labada kooxood

EVERTON (4-4-2): Jordan Pickford; Seamus Coleman, Michael Keane, Mason Holgate, Lucas Digne; Alex Iwobi, Tom Davies, Andre Gomes, Gylfi Sigurdsson; Richarlison, Dominic Calvert-Lewin.

Kaydka: Maarten Stekelenburg, Djibril Sidibe, Jarrad Branthwaite, Yerry Mina, Leighton Baines, Beni Baningime, Anthony Gordon, Bernard, Moise Kean.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Eric Dier, Ben Davies; Harry Winks, Moussa Sissoko; Lucas Moura, Giovani Lo Celso, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka: Paulo Gazzaniga, Davinson Sanchez, Jan Vertonghen, Dennis Cirkin, Gedson Fernandes, Oliver Skipp, Tanguy Ndombele, Erik Lamela, Steven Bergwijn.

Jose Mourinho ayaa laba beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray kulankii guul-darrada xanuunka badan kasoo gaadhay ee Sheffield United ee Khamiistii, waxaanu keenay Vertonghen isaga oo tuuray Sanchez iyo Lucas oo beddelay Bergwijn.

Tottenham ayaa ciyaarta ku bilaabantay ciil ay ka qaadday kulankii hore, halka ay Everton oo uu si deggan u habeeyey Carlo Ancelotti ay si qabow u hirgalinayeen taatikada tababarahooda.

Fursaddii ugu horreysay ee ugu weynayd ciyaarta, waxa sameeyey Lucas oo ay garabka midig kala soo galay kubbad uu ka helay Winks, waxaanu si toos ah ula abbaaray goolka,  isagoo si fiican ugu liishaamay lugtiisa midig, hase yeeshee waxay dhinaca ka martay goolka uu waardiyaha ka ahaa Pickford.

Daiiqaddii 24aad ee ciyaarta ayay Tottenham heshay gool ay hoggaanka ugu babatay ciyaarta, waxaana u saxeexay kubbad isku noqnoqotay oo xerada ganaaxa ku meeraysatay ugu dambayntii ay lugta u gashay Lo Celso oo laag aan goolkiisa ku beegnayn lugta bidix kula miciinsaday, hase yeeshee Keane ayaa nasiib-darro ah ku dhacday, waxaanay dhinaca qaldan u dirtay goolhaye Pickford, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0.

Eric Dier ayaa shan daqiiqadood goolka sameeyey fursad aad ugu dhowaatay in Tottenham ay ku labayso goolasha, laakiin waxa kubaddaas horjoogsaday Pickford.

Everton ayaa ku dhowaatay inay la timaaddo goolka barbarraha, waxaana kubbad uu xerada ganaaxa  kula soo dhowaaday Richarlison uu ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Lloris, laakiin waxyar ayay ka leexatay bartilmaameedka.

Labada kooxoodba waxay ku hirdameen khadka dhexe, waxaanay ku dhowaadeen inay natiijada wax ka beddelaan ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, wayse awoodi waayeen, iyadoo lagu kala nastay 1-0 ay Tottenham hoggaanka ku haysay.

Daqiiqaddii 53aad ee qaybta dambe ayay fursad weyn heshay Tottenham, markaas oo ALderweireld uu kubbad dheer kusoo dhex-tuuray xerada ganaaxa Everton, waxaana kubadda hoos cararay Son, waxaanay is heleen Mina, hase yeeshee wuxuu xiddiga reer South Korea awood u yeeshay in kubadda uu ku khalkhal geliyo Pickford oo ka diiday in laaggii uu ku toogtay lugta bidix uu ka joojiyo inay shabaqiisa gaadho.

Daqiiqaddii  90aad ee ciyaarta ayay Everton fursad kale oo weyn heshay, waxaana difaaca Tottenham kubbad lasoo dhex qaaday Keane, isagoo meel iska saaray Dier, laakiin waxa kubaddaas halista ah diyaar usii ahaa Lloris oo ay ka go’nayd in kooxdiisa uu saddexda dhibcood ee ciyaartan u badbaadiyo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Tottenham oo soo gashay kaalinta siddeedaad ee horyaalka, waxaanay farqiga goolasha kaga horreysaa Sheffield United oo ay min 48 dhibcood haystaan, halka ay Arsenal ka dambeeyaan dhibic kaliya.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII