Madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin ayaa wadahadalo la yeelan doona kooxaha ka qayb galaya champions League xilli ciyaareedka dambe isaga oo doonaya in la sii wado qaabka kulanka kaliya ah ee tartanka xilli ciyaareedka dambe kadib markii qaybo ka mid ah tartanka xilli ciyaareedkan lagu tijaabiyay nidaamkaas kadib markii uu xanuunka Korona joojiyay kubada cagta.

Si kasta ha ahaatee Nidaamkan ayaa la hir galin doonaa kaliya marka la gaadho wareega Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedka dambe.

Ceferin ayaa sheegay in ay jiraan dad ka baxsan kubada cagta oo xidhiidh la sameeyay una sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin nidamka halka lug ee lagu dhamaystiray tartamada yurub xilli ciyaareedkan.

“Hadii aan ka hadlo Nidaamka kulanka kaliya ah waa mid xiiso leh waxana uu ka xiiso badanyahay nidaamka labada lugood”ayuu Ceferin yidhi.

“Waa mid ka mid ah waxyaabaha xiisaha leh ee uu xanuunka Korona keenay”.

“Waa in aan nidaamkaas mar kale isticmaalno, markii hore waan ku qasbanayn laakiin ugu dambayn waa nidaam xiiso leh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here