Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa qarxiyay lama filaan saacado ka hor Semi-final-ka champions League ee u dhexeeya kooxaha Man City iyo Real Madrid.
Xidhiidhka UEFA ayaa bogooda Twitter-ka ku qarxiyay lama filaanka iyaga oo shaaciyay kooxda Inter kula biiri doonta Final-ka tartanka champions League.
Inter Milan ayaa si dhaw ula socon doonta kulanka iyaga oo sugaya kooxda ay la ciyaari doonaan final-ka tartanka todobaadyada soo socda.
UEFA ayaa Twitter-keeda ku qortay “waxa la xaqiijiyay Final-ka champions league, hada dalbo Ticket-ka ciyaarta” iyaga oo raaciyay Caalamadaha kooxaha Man City Iyo Inter.
Kooxda Man City ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Real Madrid kulankii lugta hore ee dhacay todobaadkii hore waxana ay doonayaan in ay markii 2-aad iska xaadiriyaan final-ka champions League.
Related