Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonto saxiixa daafaca Gabriel Magalhaes laakiin xiddiga reer Brazil ayaa seegi kara bilowga xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha Xeerarka Karantiilka.

Gabriel Magalhaes ayaa London u soo duuli doona 48 saac ee soo socda laakiin sabab la xidhiidha xeerarka cusub ee Karantiilka xiddiga ayaa qasab karantiil ku gali doona muddo 2 todobaad ah ka hor inta uuna tababarka la bilaaban xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Gunners ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Gabriel Magalhaes kadib markii ay kooxdiisa kala heshiisay wax walba oo ku saabsan heshiiska.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa tijaabada caafimaadka ku maray France todobaadkii hore waxana uu noqon doonaa saxiixii 2-aad ee Gunners kadib markii ay Willian kala soo wareegtay Chelsea.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here