Horyaalka premier League ayaa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021 iyada oo kooxaha premier League mar kale tartan u gali doonaan ku guulaysiga horyaalka.

Xilli ciyaareedkan waxa la samayn doonaa is badal dhanka Tv-yada ah iyo daawashada kulamada ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Sida caadada ahayd wax laba kulan ka badan ayaa hal mar soo wada gali jiray horyaalka premier League iyada oo ay dhici jirtay in ay 5 ama 6 kulan hal saac soo wada gali jireen.

Laakiin arintaas ayaa is badali doonta xilli ciyaareedkan ama qayb ka mid ah xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Marka loo eego in aanay wax taageerayaal ah garoomada ka daawan doonin sabab la xidhiidha xanuunka Korona maamulka Premier League ayaa badalay qorshihii hore.

Xilli ciyaareedkan premier League ayaan la ogolaan doonin in ay hal mar soo wada galaan wax ka badan 2 kulan iyada oo saacado la kala dambay siin doono si ay taageerayaashu dhamaan u wada daawadaan kulamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here