Waa Maxay Sababta Ay Barcelona Warbixinta Caafimaadka Ousmane Dembele Ugu Dirtay Maamulka Horyaalka La Liga?

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa go’aansatay iney maamulka horyaalka La Liga u dirto warbixinta caafimaad ee xiddigooda Ousmane Dembele si ay u qaado tallaabada ugu horreysa oo ay ku raadineyso in fasax loo siiyo saxiixa badalkiisa.

22-jirkaan heerka caalami ayaa kusoo laabtay magaalada Barcelona kadib qaliin uu ku maray Finland, waxaana la fahamsan yahay in dhaawacaas gumaarka ah uu soo gaaray bilowgii bishaan.

Advertisements

Warbixinta ay gudbiyeen ee qeexeysa dhaawaciisa waa nuuc ay ku doonayaan in loo ogolaado saxiixa badalkiisa, sidoo kale waxey ku cadeeyeen in xiddigaan uu muddo lix bilood ah garoomada ka maqnaan doono.

La Liga ayaa arintaan kula xaalaya muddo 72-saacadood, marka ay xaqiijiyaan iney heleen xogta loo soo gudbiyay, waxey go’aan ka gaari doonaan hadii Barcelona ay fasax u heleyso saxiixa badalka Dembele iyo hadii kale.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII