Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa ka fikiray suurtagalnimada uu Lionel Messi kaga hor iman karo premier League xilli ciyaareedka dambe waxana uu go’aansaday in ay fiicantahay in uuna Iman.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Man City kadib markii uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda waliba warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa.

Robertson oo Messi kaga hor tagay champions League League xilli ciyaareedkii 2019 ayaa yidhi “Haa waan qiimeeyay, waxa rajaynayaa in uuna Iman Premier League”.

“Hadii aan fikir ahaantayda qiimeeyo ma doonayo in uu yimaado”.

“Waxa aan rajaynayaa in uu Barcelona sii joogo, Messi waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican een abid ka hor tagay”.

“Sidaas darteed hadii uu ku biiro koox aan premier League ku xafiiltano ma ahan wax fiican”.

“Waxan u malaynayaa in ayna Liverpool u dhaqaaqi doonin sidaas darteed ma doonayo in uu xitaa u soo dhawaado premier League laakiin waan arki doonaa waxa dhaca”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here